Maraykanka oo hanjabaad adag ka soo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa carqaladdda ku ah Nabadda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid laga naxo, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Sidoo kale Ilhan Omar oo ka tirsan Koonagreeska Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in muddo xileedka Madaxweyne Farmajo ay kasoo wareegatay hal sano, sidaasi daraadeedna la joogo waqtigii uu bixi lahaa, si loo loo socodsiiyo doorashooyinka wakhtiga dheer qaatay.

PUNTLAND POST