Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Israa’iil oo is del-delay

Sida uu ku warramay ‘Channel 12 oo laga leeyahay Israa’iil, sirdoon ka Israa’iil ayaa wajahaya xaalad khatar ah. Xaaladdaan khatar ah ee soo wajahday Sirsoon ka Israa’iil ayaa ah in saraakiil sarsare oo xilal muhiim ah ku jiray ay is dilayaan oo ay nafta is dhaafinayaan.

Muddo sannad gudihiis ah ayaa ilaa hadda waxaa is dilay saddex sarkaal oo sarsare oo jagooyin muhiim ah hayay. Arrintaan ayaa walwal ku abuurtay Israa’iil, lamana garanayo sababta ka dambaysa inay isdilaan saraakiishaan ka tirsan Mossad ka.

Warbixin ay soo saareen Sirdoon ka Israa’iil (Mossad), ayay ku yidhaahdeen “Waxaan la soconnaa inta ay le’egtahay dhibaatadaan iyo xanuunkeeda, waxaana is ku dayi doonnaa wax walba oo suurtagal ah si aan uga hortagno in musiibadani mar kale soo noqoto.”

PUNTLAND POST