
Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in shaqada laga joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu amray Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda si waafaqsan Anshaxa iyo Xeerka Ciidamada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.
Madaxweynaha ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.