Puntland oo la safatay Rooble

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale  caddaysay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan Heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

“Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

PUNTLAND POST