Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo af-genbi ku sameeyay Villa Somalia 21 sano oo dowlad dhis ah kadib.
Ex. Wasiir Juxaa ayaa Qoraal uu ku daabacay Facebook-giisa ku sheegay in dikreetadii xalay ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ay ahayd Af-genbi lagu sameeyay dowladnimada Soomaaliya.
“Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxaa.
Sidoo kale wuxu sheegay in Madaxweyne Farmaajo dib u burburiyay hannaankii dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday mudda 21 sano ah laga soo bilaabo Shirkii Carta ee 2000.
PUNTLAND POST