
Boosaaso (Wararka PP) — Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobadaareed) ayaa si adag u dhaliilay go’aanka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilka kaga qaaday Sarreeye Guuto Maxamuud Cismaan, taliyihii ciidanka PSF.
Dhoobadaareed ayaa sheegay in PSF iyo PMPF midna aysan lahayn sharciyad dastuuri ah. “Ma dhici karto inaad ina adeerkaa u magacawdo taliyaha PMPF kaddibna aad beegsato PSF. Ciidammada Puntland oo dhan baa ku kala jira gacanta beelaha waayo madaxweyne kasta wuxuu ciidanka geliyaa gacanta beeshiisa” ayuu Dhoobodaareed yiri isagoo ku baaqay in ciidammadu noqdaan kuwo dowladeed ama sii ahaadaan kuwo beeleed.

Cabdixakiin ayaa gef u arkay qodobbada dastuurka Puntland uu Madaxweyne Deni cuskaday. PSF iyo PMPF (Ciidanka Badda Puntland) labaduba way ka baxsan yihiin xeyndaabka dastuurka Puntland, sida uu sheegay Dhoobodaareed.
Dhoobodaareed wuxuu difaacay go’aammadii hoggaan dhaqameedku ku gooyeen in Maxamuud Cismaan leeyahay hubka iyo hantida PSF. “Odayaashu meel fog bay wax ka eegayeen” buu Dhoobadaareed yiri. Wuxuu ku ammaanay Madaxweyne Deni inuu ugu dambayntii qiray kaalinta Boqor Burhaan.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.