Turkiga iyo Qatar oo ku heshiiyay in ay wadajir u maamulaan Airport-ka Kabul

Saraakiisha Taalibaan ee Afghanistan ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ay kala hadleen wafdi wadajir ah oo ka socda Turkiga iyo Qatar sidii shirkado ka socda labada dal ay u maamuli lahaayeen garoomada diyaaradaha ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan.

Wadahadalladan ayaa yimid iyadoo beesha caalamku ay raadinayso habab kor loogu qaadayo gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee degdegga ah ee looga baahan yahay Afghanistan, halkaas oo malaayiin qof ay wajahayaan gaajo daran.

Afhayeenka wasaaradda gaadiidka ee Taliban Imamuddin Ahmadi ayaa VOA u sheegay wadahadal horudhac ah oo ay la yeesheen koox wadajir ah oo ka kooban shirkado Turki iyo Qatar ah la qabtay Khamiistii.

Waxa uu sheegay in kulamo kale la qorsheeyay horraanta todobaadka soo socda, balse ilaa hadda wax heshiis rasmi ah aan la gaariin.

PUNTLAND POST