
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole).
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qayb galay Mlnunaasabadda xuska sannad-guurada 78-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyey saddex sarkaal oo kala ah;
1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.
2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.
3. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.