Khilaaf ka dhextaagan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, sida lagu xusay war-saxaafadeed lagu daabacay barta uu guddigu ku leeyahay Facebook.

Guddiga wuxuu sheegay in lagu hayo faragelin ka imanaysa dhinacyada siyaasadda, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteeda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo faragelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteeda”.

“Guddigu wuxuu ka xun yahay caqabadaha joogtada ah ee lagu hayo guddiyada, kuwaasoo la kulma caga juglay iyo in si khasab ah qaarkooda looga saaray hoygii ay deganaayeen, tanoo ku ah sharaf dhac doorashada iyo dadka ka shaqeeya” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.

Waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xubnaha guddiga doorashada, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in garab ka mid ah guddiga uu xilka ka qaaday guddoomiye Cirro, inkastoo aan la hayn caddeyn.

PUNTLAND POST