Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo ku wajahan Garoowe

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo siyaasiyiin kale ayaa ku wajahan Garoowe.

Mas’uuliyiinta ayaa qayb ka noqon doona xallinta is-marin-waaga ka dhashay xilk qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xalay shaaciyay in dowladdu nabad ka qaadatay colaaddii Boosaaso islamarkaana wada-hadal lagu xallinayo muranka ka taagan hay’adda PSF.

PUNTLAND POST