Deni oo kulan gaar ah la qaatay Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar  Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa is xogwareysi waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Mas’uuliyiinta la kulmay Madaxweyne Deni ayaa Puntland u yimid xallinta muranka ka taagan xilka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

PUNTLAND POST