Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa hawlgal miino baaris ah ka sameeyay waddooyinka gala degmada Awdheegle, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas ka dhacay jidadka u dhexeeya tuulooyinka Shaamgare, Jowhar yareey, Mubaarak iyo degmada Awdheegle.
Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamadu halkaas ka soo saareen miinooyin Al-shabaab ku aastay kadibna qarxiyeen si looga badbaadiyo dadka.
PUNTLAND POST