Kadib saddex maalmood oo dagaalo khasaare geystay ka dhaceen magaalada Boosaaso, waxaa galabta dhaqan gashay xabad joojintii ay ku dhawaaqeen labada dhinac (dowladda iyo PSF).
Ciidamada dowladda ayaa laga qaaday agagaarka xerada PSF, waxaana dib u bilaamay isu socodka xaafado xirnaa.
Isimada gobolka Bari oo ka qeybqaatay xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada ayaa sheegay in magaalada Boosaaso hadda nabad tahay, wax kasta oo xasaasiyad abuuraya ciddii keentana ay iyadu mas’uuliyadeeda qaadayso.
Isimada ayaa ugu baaqay dadka qaxay ee yaacsan bannaanka magaalada in ay dib u soo laabtaan, inta joogana aysan qaxin.
Isimada Puntland iyo waxgarad kale ayaa wada dadaalo meel wanaagsan maraya oo lagu doonayo in xal nabadeed lagu dhammeeyo xiisadda Boosaaso.
PUNTLAND POST