Xaalad banii’aadanimo oo ka taagan magaalada Boosaaso

Xaalad banii’aadnimo ayaa ka taagan magaalada Boosaaso, halkaas oo maalintii saddexaad uu ka dhacay dagaal khasaare badan dhaliyay.

Dhaawacyada dadka rayidka ah ayaa buuxiyay isbitaallada Boosaaso oo ay ka jirto xaalad adag, sida ay xaqiijinayaan shaqaalaha Caafimaadka.

Goobaha Caafimaadka oo aan xiriir la samaynay ayaa codsanaya in dhiig loo shubo dadka dhaawacmay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Bara-kac ayaa ka socda magaalada, waxaana qoysaska qaarkood weli ku go’doonsan yihiin guryahooda, kadib markii ay awoodi waayeen in ay ka cararaan dagaalka.

Xarumaha Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa xiran, waxaana haawanaya goobihii iyo Jidadkii mashquulka badnaa dagaalka ka hor.

PUNTLAND POST

Abdourahman Isse