Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa walaac ka muujiyay waxyeellada Shacabka Boosaaso ka soo gaartay dagaalka halkaas ka socda.
War ka soo baxay Xafiiska Difaacaha ayaa lagu sheegay in dagaalkaas uu bara-kiciyay dad ay ku jiraan waayeel, carruur iyo haween kuwaas oo haatan ku sugan xaalad banii’aadanimo oo adag iyo hoy la’aan.
Xafiiska ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirtu u dhexayso in ay mas’uuliyad muujiyaan ayna joojiyaan bara-kicinta maatada iyo dadweynaha aan waxba galabsan.
Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.