Isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee Boosaaso ayaa caadi ku soo laabtay kadib markii dowladdu sheegtay in ay diyaar u tahay xabbad-joojin iyo wada-hadal.
Inkastoo Boosaaso dad badan ka bara-kaceen tan iyo markii shalay dagaalku bilowday haddana dadka ku harsan ayaa si caadiya u dhexmaraya suuqyada iyo waddooyinka magaalada.
Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa ku sugan goobihii ay horay u joogeen.
Dagaalkii shalay iyo maanta ka dhacay magaalada ayaa khasaare xooggan dhaliyay sida wararku sheegayaaan inkastoo aan tira-koob rasmiya laga hayn.
PUNTLAND POST