Wararkii u dambeeyay ee dagaalka Boosaaso

Wararkii u dambeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli halkaas uu ka socdo dagaalkii saaka bilowday.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamo ku sugan xarunta hay’adda PSF oo ka amar-qaata Agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dad shacab ah oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyay qaar kamid ah xarumaha Caafimaadka Boosaaso sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.

Labada dhinac midna weli si rasmiya ugama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Sidoo kale xaafadaha ku dhow xarunta hay’adda PSF ayaa laga bara-kacay waxaana jira qoysas ka baxay magaalada.

PUNTLAND POST