Faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalkii Boosaaso

Dagaalkii ka socday magaalada Boosaaso ayaa hadda qaboobay iyadoo rasaas goos-goos ah weli la maqlayo

Inta la xaqiijiyay dowladda waxa ka dhintay hal askari waxaana ka dhaawacmay lix kale.

Ciidanka ku sugan xarunta PSF waxaa inta la xaqiijiyay ka dhaawacmay 8 askari.

Shacabka waxaa la xaqiijiyay hal qof oo maydkiisa la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca 7 ruux oo kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhaba joogay ayaa lagu wadaa in uu Galabta dib ugu laabto caasimadda Garoowe.

Lama oga in Madaxweynuhu ka hadli doono dagaalka Boosaaso iyo in kale.

PUNTLAND POST