Bashiir Goobe oo beeniyay eedayn loo jeediyay Ra’iisul wasaare Rooble

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa u jawaabay Taliyaha Ciidanka Badda Gen. Cabdixamiid Maxamed Diriir.

Bashiir Goobe, ayaa beeniyay eedaynta Taliye Cabdixamiid u jeediyay Ra’iisul wasaare Rooble oo ku saabsan, in uu dhisanayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in aysan jirin dhul Ciidanka Baddu leeyihiin oo ku yaalla halka Gen. Cabdixamiid ka hadlayo, islamarkaana ay waxba kama jiraan tahay arrintaas.

Sidoo kale, wuxu sheegay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo ciidan leh uu warbaahinta eedaymo uga jeediyo madaxda Qaranka.

PUNTLAND POST