Taliyaha Ciidamada Badda oo eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Ra’iisal Waasare Rooble ku eedeeyay in uu boobay dhul ay leeyihiin Ciidamada Badda.

Gen. Cabdixamiid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhulkii Ciidadda Badda ay guryo deegaan ka dhisanayaan madaxda ugu sarreysa dalka oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaa nasiib darro ah oo ciidankii badda dhabar jab iyo mooral jab ku noqotay in dhulkoodii ay boob ku dhisanayaan madaxdii qaranka ugu sarreysay oo ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble” ayuu yiri Gen. Cabdixamiid.

Wuxuu tilmaamay in uusan aqbalayn xataa haddii uu xilka ku waayayo in dhulka Ciidamada Badda laga dhisto guryo lagu raaxaysto, inta uu hayo mas’uuliyadda Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya.

PUNTLAND POST