
Marxuum Muxiyadiin Cabdi Jaamac oo ka tirsanaa Booliiska Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac xalay ka soo gaaray iska hor-imaad Gaalkacyo ku dhexmaray Booliiska iyo kooxo Cabtooy ah.
Iska hor-imaadkii labada dhinac waxa ku dhaawacmay saddex askari oo ka tirsan Booliiska iyo laba nin oo kamid ah kooxaha ku hawllan isticmaalka iyo ka ganacsiga Khamriga iyo Xashiishka.
Sidoo kale Booliiska ayaa gacanta ku dhigay 8 kamid ah kooxaha Cabtooyda ah kadib hawlgalkii xalay ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo.
Ragaas ayaa sida Booliisku sheegay lagu qabtay agab isu’gu jira hub iyo gaadiid ay u adeegsan jireen Khamriga iyo xashiiska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.