Senetka oo ansixiyay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay Larry Edward Andre, Jr. in uu noqdo Safiirka Mareykanka ee waddanka Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa  baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

PUNTLAND POST