Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhaba, halkaas oo uu kaga qayb-geli doono Munaasabadda sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay gaaray magaalada Baydhaba, isagoo ka qayb-galay Munaasabadda sannad-guuradii saddexaad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.
Mas’uuliyiin kale oo ka qayb-galaya Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta gaaraan Baydhaba.
PUNTLAND POST