Doorasho aan weli la shaacin cidda ku tartamaysa oo maanta ka dhacaysa Muqdisho

Afar kursi oo kamid ah xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in doorashadoodu ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Dhammaan kuraastan oo ay ku fadhiyaan xildhibaanno laga soo doorto Gobollada Waqooyi ee Somaliland weli lama shaacin cidda ku tartamaysa.

Kursiga kowaad waxa hadda ku fadhida xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden halka kursiga labaad uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale.

Kursiga saddexaad waxa isna hadda ku fadhiya Xil. Jaamac Maxamed Askar halka kursiga afraadna uu fadhiyo Axmed Maxamuud Maxamed.

PUNTLAND POST