Deni iyo Qoorqoor oo ka degay Baydhabo

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa galabta ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweyey wafuud ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa Baydhabo u tagay ka qeybgalka munaasabadda sanad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taas oo caawa dhacaysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay tagay Baydhabo ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa munaasabadda sanad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay doorashadii Laftagareen.

PUNTLAND POST