Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa xilka looga qaaday todoba xubnood oo ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay mas’uuliyadooda u isticmaaleen ujeeddooyin ka baxsan xilkii lagu aaminay.
Xubnahan ayaa kala ah; Xuseen Laki Maxamed Maxamuud, Axmed Siciid Samatar, Maxamed Faarax Xirsi, Nimco Axmed Cabdi, Cali Maxamed Faarax (Seeko), Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Maxamed Ciise Haybe.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa magacaabay xubno cusub oo kala ah; Ismaaciil Maxamed Axmed, Fardowsa Mataan Buulle, Ayaanle Axmed Cabdulle, Bashiir Axmed Yuusuf, Xasan Axmed Dhicisow, Axmed Barre Maxamed iyo Maxamed Cawil Warsame.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST