Madaxda Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkaas looga hadlay iskaashiga labada dowlad goboleed iyo xaalada guud ee dalka, gaar ahaan waxaa la sheegay in looga hadlay arrimaha doorashooyinka, abaaraha, amniga, hannaanka federaalka iyo dhaqaalaha.
Labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxay tilmaameen in ay isla qaateen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo
badbaadada dalka.
Sidoo kale waxay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka, iyagoo la kaashan doona dowlad goboleedyada kale iyo dowladda federaalka.
Labada dowlad goboleed waxay walaac ka muujiyeen abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan dalka, gaar ahaan Shacabka labada dowladdood iyagoo ku baaqay in gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo lala soo gaaro shacabka ay abaartu saameeysey.
Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxay isku afgarteen in ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo isweydaarsiga xogaha amniga.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.