
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xalay shir gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin Boosaaso kula yeeshay Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Xaaji Khayr, oo ay weheliyaan saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka PSF.
Shirka waxa ka qayb-galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Wasiirka Maaliyadda Xasan Abgaal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Agaasimaha hay’adda PMPF Cabdirabbi Cabdisamad Maxamed iyo Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland Mukhtaar Maxamed Xassan.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka PSF u sheegay saddex qodob oo kala ah; in dallacsiin loo samayn doono dhowaan, in dowladdu ka faa’idaysan doonto xirfadda gaar ah oo ay leeyihiin iyo in xilal sare looga dhiibi doono Ciidamada kala duwan ee Puntland.
Saraakiisha Ciidanka PSF, ayaa dhankooda mas’uuliyiinta dowladda wax ka weydiiyay warar ku saabsan in Ciidanka PSF lagu xerayn doono Xorgoble, si tababar loogu furo, balse mas’uuliyiinta dowladda ayaa si adag u beeniyay arrintaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.