Afhayeenka gudidda doorashooyinka dadban ee heer Federaal Amb Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada dalka.
Amb Safiina ayaa sheegay in hore doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda iyadoo haddana maamulka Jubaland shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka ee lagu soo doorto Jubaland
Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha innagu soo aadan.
PUNTLAND POST