Xoogagga Al-shabaab oo qabsaday duleedka magaalada Dbuusamareeb

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay qabsaday Degaanka Ceeldheere oo wax yar u jirta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Goob-joogayaal ku sugan Ceeldheere ayaa laga soo xigtay in xoogag hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay qabsadeen Degaanka islamarkaana dab qabadsiiyeen saldhigyo ciidan oo halkaas ku yaallay.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qabsadeen Degaanka Ceeldheer oo u dhexeeya Guriceel iyo Dhuusamareen.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor qabsaday degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo ay markii dambe isaga baxeen.

PUNTLAND POST