Shaacinta kuraasta xubnaha Aqalka hoose ee laga soo doorto Puntland oo lagu waday in caawa la sii daayo ayaa dib u dhacday mudda todobaad ah.
Dad lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u sheegay in dib u dhac ku yimid shaacinta Shaacinta kuraasta xubnaha golaha shacabka ee imaaanaya Puntland.
Lama yaqaan sababta Puntland dib ugu dhigtay shaacinta kuraasta golaha shacabka islamarkaana guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland oo aan xiriir la samaynnay kama jawaabin taleefonnada.
Arrintaas ayaa ku soo aadday xilli shalay madaxweyne Siciid Deni iyo guddigu oo kulan gaar ay yeeshay ay isla garteen in doorashada la bilaabo.
PUNTLAND POST