Midowga Yurub oo wacad ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ruushka

Ursula von der Leyen oo u hadshay midawga Yurub ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahiin qaadida tallaabooyin aan horay loo arag oo ka dhan ah Ruushka haddii ayuu sii wado daandaansiga uu ku wado Ukraine.

Von der Leyen ayaa u sheegtay Baarlamaanka Yurub, in ay xoojin doonaan cunaqabateynta Ruushka ee lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha, tamarta iyo difaaca.

” Waxaan diyaar u nahay inaan qaadano tallaabooyin dheeri ah oo aan horay loo arag oo cawaaqib xumi u horseedi doona Ruushka.” Sidaas waa ku goodisay Ms Von der Leyen.

Midawga Yurub ayaa dhawr jeer digniino u jeediyay Xukuumadda Ruushka, si looga hortago waxyeello loo geeysto Ukraine.

PUNTLAND POST