Maxay salka ku haysaa booqashada Laftagareen ee Kismaayo?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubaland iyo qaar kamid qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo madaxweynaha Jubaland ayaa sida aan xog ku helnay yeelan doona shirar albaabadu u xiran yihiin oo ay uga wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Si gaar ah waxay uga wadahadli doonaan kuraas deegaan doorashadoodu tahay Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo ay leeyihiin beelaha ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST