
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Mudane Gunner Andreas.
Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.
Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Mudane Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda mahad celin ku aaddan soo dhoweynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.