
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimid Somaliland.
Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi.
Sidoo kale waxa Kulankaas looga hadlay Xaaladda Amniga iyo iyo Arrimaha Siyaasadda Gobolka Geeska Afrika sida Somaliland sheegtay.
Kulanka wax aka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.