Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Jubaland ayaa caawa shaaciyay 14 kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aan la sheegin jadwalka doorashadooda.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SIT oo fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawladda Jubaland”.
Guddigu wuxuu sheegay in uu dib ka soo sheegi doono jadwalka kala horreynta kuraasta la shaaciyay.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa saacado ka hor qoraal uu soo saaray ku faray guddiyada doorashada Jubaland, Puntland iyo Hirshabeelle in ay 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama caddeeyaan caqabadaha hortaagan.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.