
Muwaaddin u dhashay waddanka Ciraaq ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsiya kadib markii lagu helay in uu iibiyay wiilkiisa.
Ninkaas oo ku nool magaalada Baqdaaq ayaa 30 kun oo doollar kala baxay wiil uu dhalay oo saddex sano jir ah sida laga soo xigtay garsoorka dalka Ciraaq.
Bayaan ka soo baxay golaha sare ee garsoorka Ciraaq ayaa lagu sheegay in maxkamadda degmada Rasaafa oo ka tirsan caasimadda Baqdaaq ay 10 sano oo xabsiya ku ridday ninkaas.
Xukmanaha ayaa lagu qaaday ciqaabta ku cad qaanuunka la-dagaallanka ka ganacsiga bani’aadanka sida lagu xusay bayaankaas.
PUNTLAND POST
Abdourahman Isse
You must be logged in to post a comment.