Dowladda Soomaaliya oo marti-qaadday Maal-gashadeyaal Shisheeye

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabad ay dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxa ka qayb-galay madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka, qaar ka mid ah Safiirada Caalamka iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho.

Shirka waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

PUNTLAND POST