Al-shabaab oo qabsaday degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay goor dhowayd qabsadeen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa qabsaday dhawr tuulo oo ku dhow degmada Matabaan sida laga soo xigtay warbaahinta kooxdaas.

Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST