Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo maanta booqanaya waddanka Imaaraadka Carabta

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa markii u horraysay maanta booqanaya waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Ra’iisul wasaare Bennett, ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho mas’uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay xafiiskiisa.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil dadka uu la kulmi doono waxa kamid ah dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Israa’iil ayaa doonaysa in ay isbaheysi ku dhisan difaac wadajir ah la samayso dowladaha Khaliijka si looga hortago dhaqdhaqaaqyada Iraan ka waddo Gobolkaas.

PUNTLAND POST