
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo Wasiir-dowle ka soo noqday Puntland mudadii u dhexaysay 2009-2013 ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu isagu qoray buug loogu gefay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Gaashaan oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uusan waxba ka ogayn buuggaas oo dagaal-ooge ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Marxuumka ayaa kamid ahaa as’aasayaashii Puntland islamarkaana soo noqday madaxweynihii u horreeyay ee Puntland sannadkii 1998-dii.
Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidoo kale kamid ahaa jabhaddii badbaadinta Soomaaliya ee Somali Salvation Democratic Front (SSDF).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.