
Inta la xaqiijiyay 1 qof oo nabadoon ah ayaa ku dhintay 4 qof oo 2 ka mid ah xildhibaano yihiina waa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda Kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Taliyaha Booliiska degmada Jowhar Bashiir Xasan Xalfoy oo warbaahinta mar dambe kula hadlay goobta qaraxu ka dhacay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxa.
Magaalada jowhar ee xarunta Hirshabeelle ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.