Xildhibaano ka tirsan Puntland oo kormeeray Mashaariicda ka socda Gobolka Cayn

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada dowladda puntland ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed ee gobolka Cayn.

Waftigan oo ka koobnaa Xildhibaan Axmed Xarir Gaas ,xildhibaan Cabdirasaq Maxamed Sahal ,Xildhibaan Cabdirhaman Ahmed Aadan ayaa kormeer shaqo ugu kuurkalay mashaariicda Dowladda puntland ka fulisay degaamada hoos yimaada degmada Buuhoodle ee Xarunta gobalka cayn.

Waftiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Beeraha nidmaadka casriga ah Green house ka soo ay hirgaliyeen qurbo-joog degaanka ka soo jeeda.

Waftiga sidoo kale waxay wacyi galin ugu tageen tuulooyinka mashariicdu ka socoto iyagoo Bulshada ku booriyay in ay la shaqeeyan maamulka iyo kan degmada.

PUNTLAND POST