Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo war ka soo saartay Cabasho laga gudbiyay Wasiir Khadiijo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warqad Cabasho ah oo laga gudbiyay Wasiirka Wasaaraddaas Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu beeniyay Cabashada laga gudbiyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku saabsan in ay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda ku beddeshay kuwa iyada la hayb ah.

Qoraalka waxa lagu sheegay in uusan jirin qof la hayb ah Wasiirka Khadiijo oo maalin ka shaqeeyay Wasaaradda Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST