Midowga Musharaxiinta oo shuruudo ku xiray doorashada Golaha Shacabka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka, shir wadatashiyana la isugu yimaado, si loo xalliyo cabashada doorashada.

Midowga Musharaxiinta ayaa doorashada ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin; in la faafiyo liiska 135 oday dhaqameed, in la xaqiijiyo ergada doorashada, in goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogto caalami ah iyo in la mamnuuco malxiiska iyo in shaqsi loo xiro kursi.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay tilmaameen haddii la raaci waayo shuruudahooda in ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku sheegeen in lagu samata bixinaya qaranka iyo qabashada doorasho hufan.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warkan ku sheegay war-saxaafadeedka hoose oo ay goordhaweyd soo saareen.

PUNTLAND POST