Amiir William oo ka walaacsan korodhka tirada dadka Afrika

Amiir William muxuu Afrika ugu dardaarwariyay?

London (Wararka PP)— Qoraa wargeyska The Times ayaa ka diifaacday Amiir (Prince) William eedeynta inuu cunsuriyad rumeysan yahay. Amiir William ayaa dhowaan sheegay inuu aad uga walaacsan carruurta tirada badan oo ku dhalata Afrika. Qoraha difaacay Amiir William ayaa sheegtay in xiriir uu ka dhexeeyo isbeddelka cimilada.

Qoraa ka difaacday Amiir William eedeynta inuu cunsuri yahay.

Dhammaadkii siddeetamaadkii Amiir Phillip, awoowgii Amiir William, ayaa sheegay haddii dib loo soo nooleeyo inuu jeclaan inuu noqdo fayrus yareeya dadka tirada badan ee ku nool adduunka. Kororka tirada dadka ee Afrika waa arrin walaac ku abuurtay dalalkii hore u gumeysan jiray dalalka Afrika.

Amiir Philip wuxuu jeclaa inuu noqdo fayrus taranka yareeya haddii dib loo soo nooleeyo.

Elon Musk, mareeyaha Tesla oo soo saarta baabuurta korontada ku shaqaysa ayaa ku dooday in ilbaxnimadu burbur ku socoto haddii carruur badan aysan dhalanin. Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada carruurta ku dhalata dalalka Galbeedka qoysaska cusub oo badankood raba inaysan carruur yeelan iyo is naageynta ragga oo la sharciyeey si ninkii doona uu u tagi karo dhaqtar ka jara xubinta taranka kaddib markuu ku doodo inuu yahay haweenay jir qalad ah ku dhex jirta.

Elon Musk oo ku baraarugay saameynta dhaqanka taran-la-dirirka ee Galbeedka.

Musqulaha dadweynaha ee dalalka Galbeedka qaarkood waxaa lagu qoray ogeysiis sheegaya in musqulaha ragga ay rag iyo haween isticmaalaan, oo loola jeedo qof haweeney u eg laakiin nin isu aragta ayaa isticmaalaysa suuliga ragga.

Warbixin lagu soo saaray wargeys cilmiyeedka The Lancet ayaa xustay in qarniga soo socda tirada dadka adduunku yaraan doonto gabowga iyo tirada yar ee carruurta dhalata awgood.

© Puntland Post, 2021