Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Booliiska oo kormeeray Goobaha lagu caweeyo ee Garoowe

Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland Gudomiyaha Gobalka Nugaal Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo xalay Kormeer Ku Marayay Goobaha Ay ku Caweyaan Bulshada Ayaa Kulamo Xogwareysi ah la qaatay bulshada Garoowe.

Intay Kormeerka Ku Jireen Sarakiisha Iyo Maamulka Gobalku Waxay La Kulmeen Waxgaradka,Ganacsatadda,Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarada Iyagoona Ka Dhagaysanyay Baahiyaha Ay Qabaan Si Lays kugu Xiro Bulshada Iyo Boolisku.

Odayaasha Ay La Kulmeen Masuliyiintan Ayaa Sheegay Inaysan Horay U Arki Jirin Madax Bulshada Soo Dhexgasho Talo Iyo Warbixinba Ka Dhagaysata Iyagoona Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud Aad Ugu Aamanay Dadaalka Amni Uu Caasimada Ka Bilaabay.

Dhalinyarada Oo Dhankooda Masulinta U Waramay Ayaa Codsaday Inay Laama Amniga Cabsi Ka Qabeyn Balse Caawa Laga Bibaabo Ay La Shaqayn Doonan.

Gashaanle Sare Xussen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta G/Nugaal Ayaa Odayaasha Iyo Dhalinyaradii Uga Mahadceliyay Siday Warbixinada U Siyeen Isagoona Shegay Inay Sameyn Donaan Nambaro Gaaban Oo Booliska Laga Heli Karo Mar Walba.

PUNTLAND POST