Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda Garoowe ayaa ka horyimid in la iibiyo Xarunta Degmada Garoowe.
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 14 Xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka ayaa lagu caddeeyay in aysan cid gaar ah iibin karin Xarunta Degmada Garoowe.
Qoraalka ayaa sidoo kale tallaabo Sharciga baal-marsan ku tilmaamay dhismaha Shirkadda NECSOM ka waddo Gurigii Xoogga Korontada Degmada Garoowe oo hanti dowladeed ah.
Xubnaha Golaha Degaanka ayaa ka codsaday Guddoonka Baarlamanka Puntland in si Sharciga waafaqsan wax looga qabto Arrintaas.
Halkaan ka akhriso Qoraalka


PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise
You must be logged in to post a comment.