Dowladda Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Gobolka Bari oo lagu sheegay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu leeyahay Agaasime, Maxamuud Cismaan Diyaano.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF ay yihiin hanti dowladeed, islamarkaana waxaana dowladdu nasiib-darro ku tilmaantay go’aanka Isimadu ku siiyeen, Maxamuud Cismaan Diyaano.
Puntland ayaa caddaysay in arrintaas ay meel ka dhac ku tahay sharafta dowladnimada, sidoo kale dhiirri-gelinayso musuq maasuq iyo boob lagu sameeyo hantida dowladda.
Sidoo kale, dowladdu waxay amar ku siisay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano in uu sida ugu dhakhsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF.
Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.