Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa gebi ahaanba la xiray sida uu goor dhowayd shaaciyay Guddoonka Baarlamanka.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba la xiro Kal-fadhiga 49-aad iyadoo Go’aankaas uu Goluhu u codeeyay.
Kal-fadhiga xiga ee 50-aad ayaa ku beegan bisha June ee sannadkan 2022.
PUNTLAND POST